Monday, July 21, 2025

DHAGEYSO: Madaxweynaha oo farriin u diray shirarka hiigsiga cusub ee ka furmay Gobollada dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farriin uu ku soo beegay shirarka looga hadlayo qaabka doorashada Soomaaliya oo maanta ka furmaya Gobolada iyo maamulada dalka Soomaaliya u diray dadka Soomaaliyeed isagoo ku booriyay in la wada tashado oo go’aan laga gaaro arrimaha horyaala.

Madaxweynaha wuxuu Xukumadda, Baarlamaanka iyo Ummadda Soomaaliyeed ka codsaday in khilaaf laga joojiyo, wixii ka soo baxa shirarka Madasha Wadatashigana  lagu kalsoonaado.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in qof walba oo Soomaaliyeed looga baahan yahay inuu fekerkiisa ka dhiibto qaabka doorasho ee dalka ka dhici karta 2016.

Shirarka hiigsiga cusub ee madasha wadatashiga ayaa maanta ka furmaya magaalooyin ay ka mid yihiin Garowe, Cadaado, Baydhaba iyo meelo kale.

DHAGEYSO FARRIINTA MADAXWEYNAHA

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON