DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo oo Farriin culus u diray Dadka Magaalada Muqdisho

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa farriin culus u diray dadka ku nool  Magaalada Muqdisho.

Farriinta Madaxweynaha ayaa ku saabsaneyd xaaladda amniga caasimada iyo sida lagu sugi karo ee ay ku wada haqeyn karaan shacabka iyo ciidamada dowladda, isagoo si kulul uga hadlay falalka dilalka ah ee Alshabaab la wadaan magaaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in Barnaamijka Deriseynta uu ka mid yahay arrimaha lagu sugi karo Amniga caasimada, isagoo hadalkan ka  jeediyay daahfurka Dariseynta Nabadgelyada Gobolka Banaadir ee ka dhacay degmada Waaberi.