Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlu suna C/llaahi Xirsi Diirshe (Prof. Daacad) ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan isku day lagu doonayay in lagu xiro oo ka dhacay xilli uu ku sugnaa degmada Cadaado maanta.
Madaxweyne ku xigeenka Ahlu suna ayaa sheegay in xilli uu ku sugnaa Cadaado ay Ciidamado af-duuban oo ka yimid Gaalkacyo sida uu yiri ay isku dayaan inay isaga xiraan iyagoo hareereeyay islamarkaana ay isku dayeen in si qasab ah ay ku xiraan, balse uu ka diiday.
Wuxuu intaas ku daray ujeedada xarigiisa inay ahayd kadib markii ay ku eedeeyeen inuu carqalad ku yahay wadahadallada Galmudug iyo Ahlusunna Waljameeca u socda si ay ugu biiraan Golaha wasiirada Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dhowaan sheegay in magacaabidda Golaha wasiirad Galmudug dib loogu dhigay wadahadal u socday iyaga iyo Ahlu sunna dartood.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]