Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inuu qaatay go’aan uu kula wareegay awoodii Baarlamaanka wax uga bedeli lahaa heshiiska Qaabka doorashada 2016 oo la filayay in cod loo qaado.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay inuu soo saaray xeer lagu meel mariyo heshiiska Madashada Qaran ay ku gaareen qaabka doorashada dadban.
Xeerka Madaxweyne ee Madaxweyne Xasan Sheekh kula wareegay awoodii Baarlamaanka waxaa la gaarsiiyay Baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya
DHAGEYSO KHUDBADDA XASAN SHEEKH
Goobjooge.com