Monday, July 14, 2025

Maxaa loo loo xiray Agaasimaha Idaacadda Goobjoog FM ee Muqdisho? DHAGEYSO

Agaasimaha Idaacadda Goobjoog FM ee Magaalada Muqdisho Xasan Maxamuud Maxamed ayaa maanta muddo saacado ah lagu xiray xarunta Dembi Baarista ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee CID-da.

Tifaftiraha Idaacadda Goobjoog Axmed Weli ayaa faahfaahin ka bixiyay sida loo xiray Agaasimaha Idaacadda, isagoo sheegay in looga yeeray Xarunta Dembi baarista islamarkaana markii uu tagay lagu wargaliyay inuu xiran yahay.

Arrinta xariga Agaasimaha Goobjoog ayaa la sheegay inuu ku lug leeyahay wareysi Xildhibaan ka tirsan  Baarlamanka Galmudug idaacadu la yeelatay isagoo ku xiran CID-da.

Agaasimaha ayaa markii danbe la sii daayay oo xoriyadiisii dib u helay, iyadoo dad kala duwan ay dadaal u galeen sii deyntiisa, waxayna arrintan marqaati u tahay heerka sharcigu ka taagan yahay magaalada Muqdisho oo saraakiisha sare ay ciddii ay doonaan isja xiran karaan.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSI

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON