Thursday, June 26, 2025

DHAGEYSO: Maxaa Shariif Xasan ku qabsaday Magaalada Marka ee Gobolka Sh/Hoose..?

Dadweynaha magaalada Marka ee gobolka Sh/Hoose ayaa diidmo iyo banaanbax careysan kala hor yimid madaxweynaha K/Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Sabtidii tegay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Sh/hoose.

Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu dadka magaalada Marka kala kulmay wax uusan fileyn iyagoo si cad ugu sheegay “KUMA RABNO, WAA NA KHAYAANTAY…” iyo ereyo ka darran.

Shariif-Xasan
Shariif Xasan Sheekh Aadan (Madaxweynaha K/Galbeed)

Dadweynaha magaalada Marka ayaa diiday inay la hadlaan madaxweyne Shariif Xasan waxayna ku celceliyeen inuu faraha ka qaado degaanadooda oo ku ekaado gobolka Bay, iyagoo ay caro weyn ka muuqato, waxaana la maqlayay qeylo iyo muran dhex maraya Shariif Xasan iyo odayaasha Marka, inkastoo markii danbe xaaladda la dejiyay.

Waxay ahayd markii ugu horeysay ee hogaamiye heerkaas ah uu la kulmo diidmo cad oo lagala hor yimid, taasoo muujineysa xaaladda dadkaasi ku sugan yihiin.

DHAGEYSO MURANKA IYO DOODA ADAG EE DHEX MARTAY DADKA MAGAALADA IYO SHARIIF XASAN

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON