Thursday, June 26, 2025

Dhageyso Prof. Jawaari oo weerar ku qaaday maamulada KMG ah ee Koonfurta Soomaaliya

Kus-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka  Soomaaliya Prof Maxamed  Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa shalay shaaciyay inaysan dalka ka jirin wax dowlad goboleed la yiraahdo marka laga reebo Puntland oo ay ka dhiman yihiin arrimo yaryar oo dastuuri ah.

GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA PROF. MAXAMED SHEEKH CUSMAAN
GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA PROF. MAXAMED SHEEKH CUSMAAN

Prof. Jawaari oo ka hadlayay kulan wadatashi oo ku saabsan Dastuurka ayaa caddeeyay inay waxba kama jiraan yihiin magacyada la sheeganayo sida: Dowlad Goboleed, Madaxweyne IWM. wuxuuna taasi shardi uga dhigay inay buuxiyaan shuruudaha u yaalla dowlad Goboleedka xubinta ka noqoneysa Federaalka, kadibna Baarlamaanku ansixiyo.

“Wixii la rabo hala sheegto, saxaafadda qofka wixii uu doono haka sheegto, dhammaan waxba kama jiraan, ilaa sharciga loo maro” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kala saaray maamul goboleed iyo dowlad Goboleed oo ahayd arrin ay dad badan isku khaldi jireenn siiba saxaafadda iyo madaxda dowladda.

Dhageyso Prof. Jawaari

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON