Thursday, June 26, 2025

DHAGEYSO: Qisada cajiibka ah Ismaaciil Axmed: Ardayga Xaaladda gaarka ah ee qabsaday Baraha Bulshada

Ismaaciil  Axmed Maxamuud  waa arday naafo ah kana qalin jebiyay jaamacadaha SIMAD ee magaalada Muqdisho, isagoo qaatay Shahaadada koowaad ee Banking And Finance.

Ismaaciil wuxuu ku soo bar baaray Magaalada Muqdisho uu wax ku soo bartay. Shalay ayuu ka mid ahaa in ka badan 600 oo arday oo ka qalin jibisay Jaamacadda Simad ee Muqdisho, wuxuuna si weyn u soo jiitay dadka Soomaaliyeed oo baraha bulshada ku faafiyey sawirkiisa.

Ismaaciil mudadii uu waxbarashada Jaamacada ku guda jiray waxa uu sheegay inuu Semester kasta geli jiray Kaalinta koowaad ee fasalkiisa, sidoo kalena  uu kaalinta koowaad ku soo baxay Shahaadada, isgoo u soo dhabar adeegay dhibaatooyin badan oo xaalad dhaqaale iyo amni leh isugu jira

SIMAD ayaa siisay waxbarasho deeq ah kadib marki uu ku biiray Jaamacadda, waxaana deeqdaasi u gartay hormuudkii hore ee Jaamacadda C/raxmaan Odowaa oo kadib noqday wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Maamulka Sare ee Jaamacadda SIMAD ayaa ku abaal mariyay in uu ka mid noqdo Shaqaalaha Jaamacadda SIMAD. Wuxuuna maanta la kulmay Ismaaciil Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay.

HOOS KA DHAGEYSO QISADA ISMAACIIL AXMED MAXAMUUD

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON