Ra’iisal wasaaraha la magacaabay ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hadalkiisii ugu horeeyay soo saaray.
Isagoo ka hadlayay xaflad degdeg loo qabtay oo lagu magacaabay ayuu Ra’iisal Wasaaraha cusub wuxuu balanqaaday inuu xilka si nadiif ah u gudan doon, isla markaana ku shaqeyn doono aragtida madaxweyne Farmaajo.
Goobta uu hadalka ka jeediyay waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan iyo madaxweynaha, wuxuuna aqbalay xilka loo maagcaabay, isagoo u mahad celiyay madaxweynaha xilka u mgacaabay.
Wuxuu balanqaaday inuu soo dhisi doono dowlad metesha shacabka Soomaaliyeed oo dhan, isagoo codsaday in lala shaqeeyo dowladiisa.
Goobjooge.com