Generaal Jaamac Maxamed Qaalib ayaa ka hadlay sababtii uu isaga casilay xilka Guddoomiyaha Guddiga Taakuleynta Ciidamada.
Xilkan oo habeen hore loo magacaabay Jeneraalka ayuu iska xalay shaaciyay inuu iska casilay isagoo sheegay inuusan diyaar u ahayn qabashada xilkaasi.
“Xil aan qabtay ma jiro, xil aad qabatay ayaa la iska casilaa.. xilkii la igu magacabay ayaan ka cudurdaartay…” ayuu yiri jeneraalka.
Wuxuu sheegay sheegay inuu arrimo kale ku mashquulsan yahay, sidaasina u sheegay madaxweynaha, isagoo u maleeyay inay arrintaasi dhammaatay, balse uu ka warhelay inuu madaxweynuhu isaga dhawaaqay magacaabidiisa.
DHAGEYSO