Salaad Cali Jeelle oo ka mid ahaa xildhibaanadii hore ee Baarlamaankii KMG ahaa, haddana gudoomiye ka ah urur ay ku mideysan yihiin xisbiyada siyaasada MADASHA ayaa ka hadlay Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha ee ay xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya kasoo gudbiyeen Madaxweynaha.

Salaad Cali Jeelle wuxuu sheegay in xildhibaanadu xaq u leeyihiin mooshin ay ka keenaan madaxda wuxuuna ugu baaqay madaxweynaha iyo Baarlamaanka inay khilaafka yareen oo ay soo gaabiyaan waqtiga mooshinka.
Siyaasigan Salaad Cali Jeelle wuxuu xildhibaanada kula taliyay inay joojiyaan dacyaadaha iyo aflagaadada oo ay si sharci ah u maraan mooshinkooda, waqti kalena aan laga lumin umadda.
Xigasho: Banadir.net
[ad name=”HTML-1″]