Saturday, June 28, 2025

Dhageyso: Sidii AMISOM degaanka Gendershe ugu dishay Suldaan can ahaa

Ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM ayaa degaanka Gendershe ee Gobolka Sh/hoose ku dilay Nin Nabadoon ah iyo sheekh  si weyn looga yaqaano Magaaladaasi. Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray  Suldaan Fiidoow Sheekh Maxamed ayaa la sheegay in ciidamada AMISOM ay meel fagaare ah ku toogteen si bareer ah.

Askari_AMISOM_Marka

Ugaas C/qaadir Ugaas Xuseen oo ka mid ah dadka ku nool degaanka Gandeershe ayaa sheegay in AMISOM ay si gardaro ah ay u dileen Suldaanka. Wuxuuna intaa ku daray in labo ruux oo kale ay ku dhaawaceen rasaastii lagu furay suldaanka.

Ciidamada AMISOM ayaa la wareegay degaanka Gandeershe ka hor inta aysan dilin Ninka Suldaanka ah,waxayna arrintan noqoneysaa mid ka mida falal soo noqnoqday oo AMISOM ay ku laayeen dad rayid ah.

 DHAGEYSO CODKA 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON