Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Gen. Maxamed Adan Axmed ayaa hanjabaad u jeediyay ciidamadii dhowaan gadoodka ka sameeyay magaalada Muqdisho.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ku kaceen fal khaldan iyagoo sugi waayay ayuu yiri mushaar loo soo waday.
Wuxuu intaas ku daray Taliyaha milateriga in tiro yar ay ahaayeen ciidamada falka gadoodka ah ku dhaqaaqay isla markaaaa kuwii abaabulka lahaa tallaabo sharci ah laga qaadi doono oo aanu cayimin.
Wuxuu raaligelin ka bixiyay ciidamada gadoodka sameeyay ee milateriga wadooyinkii ay xireen iyo qaskii ay magaalada ka sameyeen, isagoo uga digay ciidamada kale ee milateriga inay fal noocaasu ah ku kacaan.
Taliyaha xoogga ayaa dhowaan beeniyay inuu xilka iska casilay kadib markii ay soo baxday xog ku saabsan inuu musuqmaasuqay mushaarka ciidamo gaaraya 3500 askari oo fadhigoodu yahay Muqdisho isagoo u wareejiyay ciidamo kale oo ku sugan degaanada Puntland.
DHAGEYSO TALIYAHA
Goobjooge.com
KASHIFAAD: Yaa qaatay Mushaarkii Ciidamada Gadoodsan..? [Akhri fadeexadda Taliyaha Ciidamada Xoogga]