Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlgalka ka bilowday Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo ujeedada laga leeyahay.
Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Cali Baashi Maxamed Xaaji ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ay doonayaan inay ka saareen Shabaab tuulooyin ay ka mid yihiin, Masaajid Cali Gaduud, Wargaadhi, Cadcadey iyo Cadaan Laxey oo dhammaan hoosta taga degmada Cadalle ee gobalka Shabeellaha Dhexe.
Wuxuu intaas ku daray inay doonayaan inay isku furaan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.
DHAGEYSO ABAANDUULAHA
Goobjooge.com