Thursday, June 26, 2025

DHAGEYSO: Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo amar yaab leh ku soo rogtay dadka Muqdisho

Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xiddig ayaa shaaciyay amar lagu soo rogay dadka Muqdisho isagoo sheegay la xiri doono qofkii aan soo sheegin dadka ku nool gurigiisa ama  u yimaada, wuxuuna dadka Muqdisho ku armay inay sika diiwaan geliyaan degmooyinka.

Wasiir Xiddig ayaa sheegay in qofkii sidaas yeeli waaya la xiri doono isaga iyo qofka cusub ee yimid guriga. Lama oga qorshaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka leedahay arrintan, laakiin waxaa hore loo diiwaan geliyay guryaha Muqdisho markii amar ku bixiyay Taliyaha Ciidamada Nabadsugidda iyadoo guri waliba laga qaaday lacag dhan 12$.

Kadib waxaa mar kabaad diiwaangeli kale sameysay Degmooyinka Gobolka Banaadir markii laga qaaday Canashuurta sandlaha ee guryaha oo weli ka socota caasimada, waxaana mar kale dadka laga qaadya 12$ oo hore leh, waxayna dadka u arkaan arrintan qorshe kale oo lacag looga qaadanayo dadka Muqdisho, iyagoo kuwooda masaakiinta ah haddaba loo xiro canshuuraha aanay bixin karin.

DHAGEYSO WASIIRU DOWLAHA ARRIMAHA GUDAHA

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON