Wednesday, June 25, 2025

Dhageyso Wasiir Ceymooy: “Qoriga ayaan qaatay si aan isaga difaaco Al-shabaab”

Weerarkii kooxda Alshabaab ku qaaday Hotelada Siyaad iyo Weheliye ayaa waxaa ka dhacday arrin la yaab leh kadib markii wasiir katirsan xukuumadda Soomaaliya oo xilligaas ku sugnaa Hotelka Siyaad uu qorigiisa qaato una dagaal galo sida askari.

Wasiirka Wasaaradda Kallumaysiga iyo Kheyraadda Badda Soomaaliya Maxamed Cumar Caymooy  ayaa sheegay inuu xalay dagaal galay oo iska difaacay Alshabaab markii uu qorigiisa qaatay intii la dili lahaa isagoo fara maran, sida uu wasiirku i sheegay Idaacadda VOA-da.

 “Waxa aan saf dheer oo labatameeyo aan ku tukanaayay saalada maqrib hotelka hal mar ayaan waxaa nagu soo daatay murayadihii,waxaa hotelka aad u difaacay ilaalada, inteeni meesha joogtayna qoryaha ayaan wada qadanay si anagoon fara maran meesha nagula dilin, markaas oo kale ma jirto, waa madaxaaga meyrax ku duubo, adiga iyo ilaaladaada isku mid ayaa tihiin” ayuu yiri Wasiir Ceymooy

Hoos ka dhageyso wareysi xiiso leh

 

 

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON