Wasiirka Arimaha Dibada xukuumadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa ka hor yimid in Madaxweye Xasan Sheekh xilka iska sii hayo waqti dheer.
Wasiirka oo ka hadlayay shir Qurbe joogta uga furmay Muqdisho ayaa ka daba tegay heestii Siyaad Barre loo qaaday ee “Caynaanka Haay” oo fanaan halkaasi uga qaaday si uu ugu taageero madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin waxaa arrintaasi ka hor yimid Wasiir Hadliye.
Wasiirka ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu madaxweynahooda yahay laakiin ay khalad tahay in la yiraahdo Caynaanka haay, “Walaalkeyga iga yar ee heesayay waxaan rabaa inaan xusuusiyo, markuu idin yimaado Xasan Sheekh Maxamuud ha qaadin weligaa haay,…..” ayuu yiri Wasiir Hadliye.
DHAGEYSO WASIIRKA
Goobjooge.com