Monday, July 14, 2025

DHAGEYSO WASIIR MAAREEYE: Xukuumadda Somaliya oo jawaabay kulul ka bixisay eedeyntii Hay’adda Culimada

Xukuumada Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay eedeyn ka timid Culimada Soomaaliyeed iyo Odayaal oo ku saabsan Xeerka Siyaasadda Qaran ee Jinsiga, waxaana ay arrintaasi ku tilmaantay mid si khalad ah loo turjumay go’aankii dhowaan Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay  ku meel mariyeen Siyaasadda Qaranka ee Jinsiga.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa saxaafadda u sheegay in si khalad ah loo fasirtay qoddobada ku jira siyaasadda Qaranka ee Jinsiga, wuxuuna sheegay in Golaha Wasiirada qodoban oo kale marka ay meel marinayaan in marka horaba ay ka fiirsadaan.

Wuxuu intaas ku daray inay aad uga xun tahay Xukuumadda in macno kale loo sameeyo arrinta ay ka hadleen isagoo caddeeyay inay uga fadhiyaan Hay’adda Culimada Soomaaliyeed in Golaha Xukuumadda uu marti qaadayo si ay hor keenaan caddeymo la xiriira waxa sharcigaasi u dhimayo diinta Islaamka.

DHAGEYSO  SHIRKA JARAA’ID EE WASIIR MAAREEYE

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON