Sheekh Nuur Baaruud oo ka mida culimada Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho si weyna u taageersan dowladda ayaa weerar culus ku qaaday xildhibaano la sheegay inay mooshin ka wadaan madaxweynaha Soomaaliya.
Sheekha ayaa sheegay inuu hadda ka hor ku baaqay in la garaaco xildhibaannada mooshinka wada balse uu hadda leeyahay in laga matajiyo lacagta laaluushka ah ee ay ku qaateen Mooshinka.
Sheekh Nuur Baaruud oo ka mida saddex Guddi oo dowladda u magacwaday abaaraha iyo samafalka ayaa dhinaca kale guddoomiye ku xigeen ka ah urur ay leeyihiin culimada, wuxuuna hore muran weyn uga dhaliyay Baarlamaanka Soomaaliya.
DHAGEYSO SHEEKHA