DHAGEYSO: Xiisad culus oo ka dhex taagan Ciidamada Daraawiishta iyo Maamulka Puntland

0

Saraakiisha sare ee Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa jawaab kulul ka bixiyay een hadalkii kasoo yeeray Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxweynaha Puntland ee ku saabsanaa mushaarka ciidamadaasi.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen xerada 54aad ee duleedka magaalada Garowe ayay ku shaaciyeen in 30 bilood oo mushahaar ah ka maqan tahay qaar ka mida ciidamada Daraawiishta.

Taliye ku xigeenka guud ee ciidanka Daraawiishta Dowlada Puntland General Dayr Xaaji Cabdi, Taliyaha ururka taliska Gaashaanle sarre Maxamed Ducaale Maxamuud (Ayax) iyo Afhayeenka Ciidanka Daraawiishta Gaashaanle sare Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle) ayaa dalbaday in xuquuuqda ay u taagan yihiin.

Waxay ka dalbadeen Baarlamanka, Hay,adda Xuquuqul Iinsaanka, iyo Gollaha Garsoorka inay kala saaraan iyaga iyo xukuumadda oo uu  ku eedeeyay inay  ku fashilantay bixinta mushahaarka iyo xuquuqda ciidanka.

Ciidamadan ayaa xalay qabsaday Koontarolka magaalada Garowe iyagoo hadda ku jira gadood dhaliyay xiisad amni.

Dhageyso

Goobjooge.com