Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mida xidhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeeray xildhibaanka kale ee Axmed Macalin Fiqi.
Jawaabtan ayaa timid markii uu Xildhibaan Fiqi ku tilmaamay xeer ilaaliyaha Qaranka inuu yahay nin soo galooti Itoobiyaan oo uu warbaahin badan ka sheegay isagoo ku weeraray inuusan ahayn Soomaali.
Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Cismaaciil oo hore u soo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, kana mida ruug-caddayaasha siyaasadeed ee dalka ayaa sheegay in xiligan aan loo baahneyn in la kala sooco muwaadiniinta Soomaaliya, ayna tahay cadaalad darro in xeer ilaaliyaha Axmed Cali Daahir lagu tilmaamo inuusan Soomaali aheyn.
Xildhibaan Axmed Fiqi oo si weyb uga carooday xarigii siyaasiga ay isku beesha yihiin ee C/raxmaan C/shakuur ayaa weerarro kaal duwan ku qaaday madaxda dowladda, isagoo si gaara u beegsaday Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir.
Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaacil ayaa dhinaca kale sheegay in Garsoorka dalka uu xushmad leeyahay isla markaana aan loo baahneyn xaalado siyaasadeed darteed inaan loo gefin Madaxda Garsoorka dalka.
DHAGEYSO