Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Cayaar jecel) oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka digay dowladda Federaalka xilligan laga hor yimaado.
Xildhibaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in marka hore ay Dowladda Federaalka caga dhigato si khaladaadkeeda loo sheego.
“Dowladda ha caga dhigato .. Anigaa noqonaya qofka ugu horeeya haddaan arko dhaliil aan is leeyahay hagrasho ayaa jira inaan umadda u soo bandhigo..” ayuu yiri Xildhibaanka oo dhaliilay xildhibaanada dal dibadeed ka soo mucaaraday dowladda cusub.
Xildhibaano isugu tegey magaalada Nairobi ayaa dhisay kutlad la baxday Horeusocod oo la sheegay inay uga horjeedaam dowladda cusub.
DHAGEYSO