Xildhibaan C/weli Maxamed Qanyare oo loo heysto in nin ka tirsan ilaaladiissa uu ka danbeeyay dilkii nin Bajaajle ah oo si naxariis darro ah loogu dilay Wadadda Maka Almukarama agagaarka Guriga Shaqaalaha ayaa sheegay in eedeyntaasi ay tahay tuhun kaliya.
Ehelada uu ka dhashay wadaha Mooto Bajaajka ayaa Maxamada Ciidamada Qalabka Sida iyo Xeer ilaalinta Qaranka waxa ay ka dalbadeen in cadaalada la horkeeno kooxihii dilay wiilkooda, iyagoo xusay in xildhibaanka gaarigiisa uu ahaa kan falka dilka ah u geystay.
Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Xuseen ayaa aabaha dhalay wuxuu dilkiisa ku eedeeyay nin ka ka mida ilaalada xildhibaan C/wali Maxamed Qanyare Afrax oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan C/wali Maxamed Qanyare Afrax oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala la hadlay ayaa iska fogeeyay eedeyntaasi loo jeediyay, waxaana uu sheegay in aysan lug ku leheyn dilka ninkaasi. Wuxuuna codsaday in Baaritaan lagu caddeeyo.
DHAGEYSO WAREYSIGA XILDHIBAANKA
Goobjooge.com