Xildhibaan Maxamed Cumar (Dalxa) oo ka mid ahaa wafdigii dowladda Federaalka Soomaaliya u dirtay dirtay Xadka Soomaaliya iyo Kenya oo guddi xaqiiqo raadin ahaan ku tegay degmada Beledxaawo ayaa faahfaahin ka bixiyay wixii ay ku soo arkeen xuduudka labada dal.
Guddigan ayaa shalay booqday magaalooyinka Baled-xaawo iyo Doolow, iyagoo soo arkay xadgudubka Dowladda Kenya ay ku sameysay xuduudka Soomaalida, wuxuuna sheegay xildhibaanka inay jiraan isku dayga Kenya ku dooneyso inay ka soo gudubto xuduudka, warbixin ay soo ururiyeen ayuu sheegay inay siin doonaan Baarlamaanka Soomaaliya.
Dadka degaanka xuduudka ayuu sheegay xildhibaan Dalxa inay yihiin dad Soomaalinimadu ku weyn tahay oo muujiyay wadaniyad isla markaana u baahan dowlad Soomaaliyeed.
DHAGEYSO XILDHIBAAN DALXA
GOOBJOOGE.COM