Monday, July 14, 2025

DHAGEYSO: Xildhibaan Goodax oo ku biiray shirka Beledweyne & khudbad uu ka jeediyay

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne isagoo ka qeybgalay shirka dib u heshiisiinta ee ka socda magaaladaasi, wuxuuna khudbad uu ka jeediyay shirka ka sheegay in aayaha gobolka Hiiraan uu ku jiro gacanta inta shirka u socdo.

Xildhibaan Goodax oo hore ugu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu u eexanayo beeshiisa sida uu hadalka u dhigay ayaa Duubabka Dhaqanka gobolka Hiiraan ku bogaadiyay shirka ay fureen, isagoo u sheegay inay garab taagan yihiin.

Isagoo ka hadlay arrimaha siyaasadda ayuu sheegay in masiirka  siyaasadeed ee gobolka Hiiraan mar walba go’aan ka gaari doonaan bulshada ku nool, balse la aqbali karin in wax aysan raali ka aheyn sidda uu hadalka u dhigay dusha sare looga keeno. wuxuuna ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka  inay kala qaybiyeen duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan

DAAWO SAWIRRO

Xildhibaan Goodax oo ku biiray shirka Beledweyne

Xildhibaan Goodax oo ku biiray shirka Beledweyne

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON