Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesoow oo ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya
ayaa ka sheekeeyay wixii dhex maray isaga iyo Saalax Nuux Ismaaciil (Saalax Badbaado) oo dhowaan isku qarxiyay magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu Saalax Badbaado uu weerar ku soo qaaday Lix bilood xilli uu ku sugnaa Gobolka Hiiraan, isagoo u sheegay inuu doonayay inuu dilo.
“Saalax wuxuu ahaa ninki hogaaminayay dagaalkii Ceel Cali ka dhacay, dagaalka markii uu dhamaaday ayuu i soo wacay wuxuuna igu yiri: Maanta waad iga Badbaaday Murtad Jeesow laakiin maalin kale ayaadan iga baxsan doonin…”ayuu yiri Daahir Jeesow.
Xildhibaan Jeesoow ayaa sidoo kale sheegay inuu Aqoon fiican u leeyahay Ex-Xildhibaan Saalax Badbaado islamarkaana ay Xidhibaan soo wada noqdeen.
DHAGEYSO XILDHIBAAN JEESOW
Goobjooge.com