Monday, July 14, 2025

Dhageyso Xildhibaan kashifay in Mooshinka Madaxweynaha dib loo celinayo (Wareysi)

Xildhiban Yusuf Geelle:” In Mooshinku sharci darro yahay Guddoomiye jawaari waa isla garanay, wuxuuse nagu yiri fursad i siiya…..” (Dhageyso)

Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas ayaa warbixiyay ayaa faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha ee hor yaala gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya isagoo ka hadlay wadahadal dhex maray guddoomiyaha Baarlamaanka, isla markaaba bixiyay sir badan oo ku xeeran Mooshinku oo uu ku tilmaamay inuu sharci darro yahay oo tiro ahaan aanay dhameyn, sharci ahaanna aan loo gudbin karin maxkamadda sare.

Xildhiban Yuusuf

Xildhibaanka wuxuu sheegay in xildhibaano laga been abuurtay, qaar dhintay iyo qaar dibadda muddo dheer ku maqan ay ku jiraan mooshinka, isla markaana uu guddoonku ku degdegay qabashada mooshinka oo weliba maalin aanay shaqo jirin oo jimce ah uu qabtay, haddana uu garowsaday khaladkiisa.

“Wuxuu noo sheegay guddoomiyaha inuu qancinayo kuwa mooshinka u keenay, mana ogin anagu guddoomiye mooshin haya oo howshaas ku jira” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Geelle.

DHAGEYSO CODKA XILDHIBAAN YUUSUF GEELLE OO SIR BADAN KASHIFAYA

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON