Tuesday, June 24, 2025

Dhageyso: Xildhibaan Max’ed Cabdi Yuusuf oo ka hadlay qaabkii loo dilay Xildhibaan Abtidoon

xildhibaan-Maxamed-Cabdi-yuusuf
Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mid ahaa dadkii ku jiray Hotelka Saxafi ee shalay weerarka culus lagu qaaday ayaa ka sheekeeyay wixii ka dhacay Hotelka markii la soo weeraray iyo qaabkii uu ku dhintay xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon isagoo sheegay in xabad qolkii ay ku wada jireen dariishada uga soo gashay ayna wadnaha uga dhacday isla markiina uu naf baxay.

Xildhibaanka ayaa sheegay qaabka ciidamada dowladda ay gurmadka ugu sameeyeen markii hotelka la soo weeraray wuxuuna sheegay inay saluugsan yihiin waxqabadka dowladda arrimahan oo kale ayna jirto ciidamada khibrad la’aan loona baahan yahay in dowladdu wax ka qabato.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf wuxuu sheegay in laba xildhibaan oo ka mida Baarlamaanka Soomaaliya ay ku dhaawacmeen weerarka oo lugaha ay ka jabeen.

DHAGEYSO CODKA XILDHIBAANKA

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON