Wednesday, June 25, 2025

DHAGEYSO Xildhibaan Xoosh: “Xildhibaan Wasiir ah ayaa i handaday oo igu yiri 20 sano ayaan Mooryaan ka ahaa meeshan…”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka mida xildhibaanada hor boodaya Mooshinka Madaxweynaha ayaa ka hadlay halka uu marayo Mooshinkii xil ka qaadista madaxweynaha, isagoo sheegay in mooshinka oo muddo bil ku dhowaad ah ag yaallo Guddoonka aan weli loo gudbin Maxkamadda sare.

Xildhibaan Xoosh wuxuu sheegay in handadaad loo geystay guddomiyaha Baarlamaanka oo uu sheegay  inay weerar aan caadi ahayn ku qaaday madaxtooyada, iyadoo shalay markii la rabay in maxkamadda loo gudbiyo uu hadallo kale ula yimid. Wuxuu intaas ku daray in arrintii mooshinka ay weli laalan tahay.

C/raxmaan Xoosh Jibriil
C/raxmaan Xoosh Jibriil

Mar uu ka hadlay caddeymaha uu u hayo in loo hanjabay guddoonka Baarlamaanka  ayuu sheegay in isaga laftiisa loo hanjaba oo sida uu sheegay Wasiir xildhibaan ah inta u yimid inuu yiri: Aniga waxaan kugu sameyn karo ma taqaan, 20 sano ayaan meeshaan mooryaan ka ahaa, sida uu ku andacooday xildhibaan Xoosh oo dhinaca kale tilmaamay in mooshin kale la keeno oo xildhibaanadooda ka mida lagu qoray.

[blockquote style=”2″]”Baarlamaankan waa lagu kala tagaa oo magaalo cusub ayaan aadeynaa ama nin waliba meeshuu rabuu ka baxaa”[/blockquote]

Guddoonka Baarlamaanka ayuu sheegay inuusan iimaan lahayn sida uu yiri Xildhibaan Xoosh oo wareysigiisu ka muuqatay inuu ahaa qof aad u kacsan oo quus taagan oo eedeymo waaweyn jeedinaya xilli aan la ogeyn xaaladda ku sugnaa ayaana wareysigan laga qaaday.

DHAGEYSO CODKA XILDHIBAAN C/RAXMAAN XOOSH JIBRIIL 

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON