Saturday, June 28, 2025

DHAGEYSO: Yaa badbaadiyay haweeneydii Kenyaatiga ee laga furtay dableydii Soomaaliyeed ee afduubtay?

Maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe iyo dowladda Kenya ayaa mid waliba sheegtay inay  ciidamadooda soo badbaadiyeen haweeneydii u dhalatay dalka Kenya oo laga soo badbaadiyay dabley afduubatay oo ku heysatay meel u dhow Dhoobley.

gabadh

Maxamuud Qaalib oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada maamulka Jubba ayaa sheegay inay iyagu howlgalka fuliyeen, waxayna ku doodeen in ciidamadooda ay ahaayeen kuwii soo ogaaday oo weerarka ku qaaday dableyda heysatay haweeneydaasi oo ahayd macalimad u shaqeyneysay hay’ad samafal lagu magacaabo Judy Mtuwa.

Kaaliyaha talIyaha  Policka Kenya Cumar Shuriye Ibraahin Sarkaal  ayaa VOA-da u sheegay  in ogolaansho loo siiyay inay galaan gudaha Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray inay wada socdeen ciidamada Soomaaliya oo ay isku darsameen, taasoo meesha ka saareysa in maamulka Jubba ay fuliyeen howlgalkaasi.

Mar la weydiiyay in ciidamada Soomaalida ay soo qabteen ayuu sheegay inay wada socdeen ciidamada Soomaalida.

DHAGEYSO CODKA TALIYE  CUMAR SHUURIYE

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON