Hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka ayaa maanta ku dhaqaaqay tallaabo aan hore loo arag kadib markii uu garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka qabtay koox dhalinyaro ah oo safar u ahayd dalka Kenya.
Dhalinyarada oo ka koobneyd 11 qof ayuu sheegay Taliyaha Hoggaanka Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gen. C/laahi Gaafoow in ciidamada Amaanka garoonka ay qabteen iyagoo oo raba in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde.
Taliyaha ma sheegin sida lagu ogaaday inay dhalinyaradaasi tahriib yihiin, wuxuuse ku dooday in 11-ka dhallinyaro ee ay qabteen ay rabeen in ay ka baxaan Garoonka Aadan Cadde, kadibna sii maraan dalka Kenya oo ay ka sii tahriibaan.
Arrintan ayaa daba joogta warkii shalay ka soo baxay hogaanka socdaalka ee lagu joojiyay in lagu duulo fiisaha dalka Suudaan. [AKHRI WARKAAS].
Goobjooge.com