Thursday, June 26, 2025

Dhalinyaro la socotay Diyaarad ay saarnaayeen Shariif Xasan & Cabdi Qeybdiid oo lagu xiray Nairobi

Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in diyaarad u socotay magaalada Muqdisho laga reebay dhalinyaro ka mid ahayd rakaabka saaran.

Dhalinyaradan ayaa la sheegay inay ka shakiyeen ciidamada ammaanka Kenya, iyagoo la haray markii ay diyaaradda ka dejiyeen, waxaana la xaqiijiyay in diyaaradda ay la socdeen xubno mas’uuliyiin ah.

Dhalinyarada ay ciidamada Kenya xireen si ay baaritaan ugu sameeyaan ayaa lagu sheegay inay gaarayaan shan qof oo ka yimid dalalka Qurbaha kuna socday Muqdisho, waxaana isla diyaaradda la socday  Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).

Lama oga sababta dhabta ah ee ciidmada Kenya u xirteen dhalinyaradan oo safar transit ku ahaa magaalada Nairob, garoonka Jommo Kenyatta.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON