Friday, July 11, 2025

Dhalinyaro Somali-Mareykan ah oo lagu soo oogay shirqool dil ah & taageero Daacish

Dhallinyaro Soomaali Mareykanka ah oo horay isku dayay inay ku biiraan ururka Daacish ee ka dagaalanta dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira inay maleegayeen shirqoolo dil ah.

dhalinyaro-mareykan

Xeer Ilaaliyaha Minnesota ayaa  shalay ku dhawaaqay in koox dhalinyaro Somali Mareykan ah oo gaaraya sagaal ruux horay lagu soo eedeeyay inay doonayeen inay u safraan bariga Dhexe, si ay ugu biiraan ISIS.

Afhayeen u hadlay Xeer Ilaalinta ayaa sheegay in raggan oo shan ka mid ah ay xiran yihiin ay qorshayeen shirqoolo dil ah oo ay ka fuliyaan gudaha Mareykanka. Saddex ka mid ah dhalinyaradaas ayaa qirtay inay damacsanaayeen inay ku biiraan Daacish, sida xeer ilaalintu sheegtay.

Dacwada shanta ruux ayaa bilaaban doonta bisha Febraayo, waxaana magacyadooda lagu sheegay Guled Omar, Hamza Ahmed, Adnan, Mohamed Farah, iyo Abdirahman Daud kuwaasi oo Xabsi ku sii jiri doona.

Qareenada u doodaya raggaan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay eedeymaha cusub ee lagu soo oogay, Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa ah meesha ugu badan ay ku nool yihiin Bulshada Soomaaliyeed marka loo fiiriyo Mareynkanka intiisa kale.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON