Dhaxal-sugaha Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta Sheekh iyo Taliye kuxigeenka ciidamada qalabka sida Maxamed Bin Zayid Aala-nahyaan ayaa madaxtooyada Macmuura ku qaabilay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalkaasi.
Waxay labada dhinac ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa si dan ugu jirto labada dal iyo labada shacab. Wuxuuna dhaxal-sugaha u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed inay nabad waarta iyo horumar laga gaaro dhinacyada kala duwan, isagoo balanqaaday inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn uga mahadceliyay Imaaraadka Carabta sida ay u garab istaageen shacabka Soomaaliyeed xiligii uu ugu baahida badnaa, wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay xilligan sameysay horumar dhinac waliba ah oo ay ugu wacan tahay taageerada Imaaraadka Carabta iyo mashaariicda ay ka fulisay Soomaaliya.
Kulanka waxaa dhinaca Soomaaliya goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar, halka Imaaradka Carabta ay joogeen Dr. Anwar Bin Maxamed wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta iyo mas’uuliyiin kale.
Goobjooge.com/WAM
[ad name=”HTML-1″]