Thursday, June 26, 2025

DHEGEYSO Max’ed Cumar Carte: “Waa arrin furan in ciidamada AMISOM la geeyo Puntland…”

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay gacan ka gaysato wixii lagu sugayo amniga Puntland oo ay ku jirto in ciidamo AMISOM ah la geeyo Puntland.

Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo maleeshiyooyin badan oo Alshabaab ah ay galeen degaanada Puntland, dagaalna uu ka qarxay halkaasi. Ra’iisal wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay furan tahay in ciidamo AMISOM ah ay furan tahay in la geeyo Puntland, ayna diyaar u yihiin arrintaas.

Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa isagu diiday in ciidamo AMISOM ka socda la geeyo Puntland, wuxuuna sheegay inay rabaan oo kaliya in taageero qalab iyo tababar la siiyo si la mida AMISOM iyo SNA.

Maxamed Cumar Carte ayaa VOA u sheegay in ujeeddada dawladda tahay ay in Al-Shabab aysan u guurin deegaanno nabad ah. Isagoo jooga magaalada London ayuu Falastiin Axmed Iimaan uga warramay sida uu u arko dhaqdhaqaaaqa Al-Shabab ee degaanada Puntland.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA VOA-DA EE MAXAMED CUMAR CARTE

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON