Thursday, April 18, 2024

Dhimasho ka dhacday Askari Rasaas ku furay dad Raashin loogu qeybinayay Muqdisho

Askari ka tirsan ciidamada maamulka degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa rasaas ku furay dad masaakiin ah oo raashin bisil loogu qeybinayay degmadaasi.

Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa sheegay in askarigan uu ka mid ahaa ilaalada guddoomiyaha Waaxda Cumar Fiyaasko ee degmada Kaxda, isagoo ilaalo ka ahaa goob raashinka loogu qeybiyo dadka abaaraha kasoo barakacay.

Rasaasta ayaa timid markii uu muran dhex maray askariga rasaasta furay iyo dadkii goobta ku sugnaa, waxaana rasaastaasi ku dhintay 2 qof iyadoo 3 kale ay ku dhaawacmeen.

Ad

Guddoomiyaha Waaxda Cumar Fiyaasko Md. Zakariye Cabdi Cilmi ayaa la sheegay inuusan waxba ka qaban arrintan, askarigiina uu goobta ka baxsaday, waana markii labaad ee degmada Kaxdan fal noocan oo kale ah uu ka dhaco.

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON