Thursday, June 26, 2025

Dib u dhiska Machadka Diblomaasiyadda oo la dhagax dhigay iyo Dowladda Qatar oo maalgelineysa [Sawirro]

Dowladda Qatar ayaa maalgelineysa Dib u dhiska machadka Diblomaasiyadda ee magaalada Muqdisho, iyadoo maanta ay si wadajir ah u dhagax dhigeen Wasiirka Arrimaha dibdda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza.

Machadka ayaa Dib u dhis iyo dayactir lagu sameynayaa, iyadoo Wasaaradda Arrimaha dibadda ay lahaan jirtay, balse uu ku burburay dagaaladii sokeeye. Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa uga mahadceliyay dowladda Qadar sida ay uga gacansiisay mashaariicda dib u dhiska machadkan.

“Waxaan uga mahadcelinaynaa dalka walaalaha nahay ee Qatar in ay nagu gacan siiyaan dib u dhiska macahadkan, safiirka Qatar ee Soomaaliya  wakaalken safiir Xasan Bin Xamza ayaan mahah gaar ah u celinaynaa maadaama uu kaalin  ka qaatay mashruucan oo ay maalgelinayso dhismihiisa Dowladda Qadar,waxaana ku soo dhaweynaya in aan si wada jir ah u  dhagax dhigno”. Ayuu yiri Wasiir Cawad.

Safiirka Qadar ee Soomaaliya Xasan Bin Xamza ayaa isna kahadlay dhaga dhiggaasi, wuxuu muujiyay safiirka sida ay uga go’an tahay dowladad Qatar in ay ka taageerto mahsariicda, isla markaana ay sii wadi doonaan taageerada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON