Thursday, July 17, 2025

Dib u eegista Dastuurka KMG ah oo waqti loo qabtay & Guddiga Dastuurka oo la dardar gelinayo

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya  ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa kulan kula yeeshay Guddiga Madaxa banaaan ee dib u eegista Dastuurka.

Dast

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dardar gelin lahaa dib u habeynta Dastuurka oo shaqadii laga rabay aan weli guda gelin isla markaana dib u dhac weyn ka muuqdo, waxaana warbixin ku sabasan habka loo marayo dib u eegista dastuurka ka jeediyay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka  Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed (Odowaa).

Guddiga ayaa sidoo kale soo bandhigay qaabka ay doonayana inay u bilaabaan dib u habeynta dastuurka ilaa laga gaaro in loo qaado afti dadweyne. Guddoomiye Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa guddiga la wadaagay qodob la doonayo in dib loo eego oo asaasiga ah.

Wasiiirka  Dastuurka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya  Xuseen Maxamuud  Sheekh Xuseen  ayaa dhinaciisa kulanka ka sheegay in wadatashiga uu horudhac u yahay bilowga  hanaanka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya. wuxuuna wasiirku sheegay in  lagu dhamaystiro dib u eegista Dastuurka bisha December ee sanadkan 2015,  iyadoo la horgeynayo Barlamaanka  Bisha March ee sanadka 2016 si kadib loogu gudbo afti dadweyne in loo diyaariyo.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON