Friday, July 10, 2020
More

    Dib u Qaabeyn lagu sameeyay Urur Goboleedka IGAD [Sudan oo la wareegtay Guddoonka & Kenya oo laga reebay [Sawirro]

    Shir madaxeedkii urur Goboleedka IGAD ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo dib habeyn lagu sameeyay Urur Goboleedka IGAD, isla markaana guddoonka wareega ay qabatay dalka Suudaan.

    Dowladda Kenya ayaa lagu waday inay sanadka 2020-ka qabto guddoonka IGAD, laakiin dood ka dhalatay awood qeybsiga IGAD oo ay keeneen dalalka Somalia iyo Jabuuti kadib markii xoghayaha guud ee IGAD loo magacaabay Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya ayaa keenay inay Kenya weyso xilka wareegga ah oo uu hore u hayey Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub ee Urur Goboleedka IGAD oo ah Ra’iisal wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk, iyadoo Cabdalla Xamduuk uu xubin ka ahaa Guddiga Dhaqaalaha ka Soomaaliya kahor intii aan loo magacaabin Xilka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Suudaan oo yimid kacdoonkii Suudaan kadib.

    Sidoo kale, Madaxweynhuhu waxa uu soo dhaweeyey magacaabista Xoghaya Guud ee IGAD Mudane Workneh Gebeyehu, waxa uuna adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhaw ula shaqaynayso hoggaankan cusub, si loo gaaro hiigsiga muhiimka ah ee ururkeenna iyo arrimaha hortabinta u leh awood-siinta Gobolka.

    Kenya ayaa olole dhinac kasta leh ugu jirtay inay qabato hoggaanka IGAD, xilli ay dacwad ku saabsan Xuduudka Badda kala dhaxeyso Somalia, iyadoo hore isugu sharaxday kursiga Golaha Amniga Q/Midoobay oo ay Jabuuti kula loolameyso.

    WARARKII UGU DANBEEYAY

    TOOSHKA GOOBJOOGEXOGAHA
    LAGUU SOO XULAY

    XOG: Guddoomiye Mursal oo Xeerkii Metelaadda G/Banaadir u bedelay Qaraar, una kala diray…

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa Xeerkii metalaadda Gobolka Banaadir u bedelay Qaraar, una kala diray xukuumadda iyo labada Guddi...

    XOG: C/casiis Lafta-gareen oo olole la yaab leh u galay inaan loo Codeyn metalaadda G/Banaadir

    Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa dadaal dheeraad ah ku bixiyey in xildhibaannada Beeshiisa aysan u codeyn metelaadda G/Banaadir.

    XOG: Madaxda Puntland, Jubbaland & K/Galbeed oo ka hor yimid metelaadda G/Banadir & tirada diidan

    Kulanka xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa inuu goor dhow furmo, iyadoo ajendayaasha maanta ay looga doodayo ay yihiin kuwo xasaasi ah.

    KASHIFAAD: Xildhibaanno kasoo jeeda laba Beelood oo diidan metelaadda G/Banadir ee Aqalka Sare

    Iyadoo dood ku saabsan metelaadda G/Banaadir ee Aqalka Sare ay ka socoto Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya xildhibaano ka...