Wasaaradda arimaha dibada dalka Kenya ayaa sheegtay in diplomaasi dalkaasi u dhashay uu kamid ah dadkii ku dhintay werarkii Hotel Saxafi oo ay ku qaadeen kooxda Alshabaab oo dad badan oo Mas’uuliyiin ka tirsan ay sidoo kale dhinteen.
Mas’uul ka mida Wasaaradda Arrimaha Dibada Kenya ayaa sheegay in Diplomasiyiinta kale ee Kenyanka ah e ku sugan caasimada Muqdisho ay amaanin qabaan, marka laga reebo qof ka dhintay oo aanay shaacin magaciisa, iyadoo marka hore la ogeysiinayo qoyskiisa.
Warka kooban oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaan wax faahfaahin ah ka bixin Diblomaasiga Kenyaatiga ah uu ku dhintay weerarka Muqdisho.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii shalay ee Hotel saxafi, iyadoo dabley ka tirsan gudaha u galeen Hotelka, dabadeedna toogasho ka geysteen.
Goobjooge.com