Wararka laga helayo magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud oo la filayo inuu dhowaan ka furmo shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in digniin laga bixiyay xaaladda ammaan ee degmadaasi.
Digniintan oo ah mid si hoose loogu wargeliyay dowladda Federaalka iyo dhinacyada ku howlan maamul u sameynta gobolada dhexe ayaa ka timid AMISOM gaar ahaan ciidamada Itoobiya ee degaankaasi ku sugan oo sheegay in Alshabaab qorsheyneyso weeraro ay ku soo qaado Cadaado.
[ad name=”HTML-1″]
Faahfaahin lagama bixin qorshaha weerar ee Alshabaab, laakiin waxay xogtu sheegeysaa in khatarka dhinaca ammaan ee degmadaasi ku soo fool leh ay tahay mid weyn oo halis ah. Arrintan waxay keentay in wasiiradii iyo mas’uuliyiintii dowladda Federaalka ee ku sugnaa Cadaado ay dhammaantood ku laabtaan Muqdisho, waxaa sidoo kale lagu wadaa in siyaasiyiin iyo musharixiin kale ay su kumeelgaara uga tagaan Cadaado.
Ciidamada Itoobiyaanka ee ka mida kuwa AMISOM ayaa horeba aan raali uga ahayn in Cadaado lagu dhiso maamulka gobollada dhexe, waxaana cabsida ugu weyni tahay inay arrintan ku lug leeyihiin Itoobiyaanka.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]
[ad name=”HTML-1″]