Ninka ku caan baxay dilka weriyeyaasha Xasan Xanafi Xaaji ayaa maanta la soo taagayaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Muqdisho, wuxuuna ku eedeysan yahay dilka iyo weriyeyaal fara badan iyo maleegidda shirqoolo lagu dilay weriyeyaal kale.
Barnaamij laga diyaariyay dhowaan ayuu Xasan Xanafi ka sheegay ayuu ku sheegtay inuu ka qeyb qaatay dilal loo geystay dhowr weriye oo lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in lagu xukumo dil toogasho ah.
Xasan Xanafi wuxuu ku eedeysan yahay dilka Sheekh Nuur Abkey, Mahad Axmed Cilmi C ali Iimaan Sharmaake, Saciid Tahliil Axmed iyo weriyeyaal iyo madax kale oo warbaahineed.
Xasan Xanafi ayaa ugu daneyn laga soo qabtay xuduudka Somalia iyo Kenya Bishii December ee Sanadkii 2014.
Goobjooge.com