Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho lagu qabtay diyaarad siday raashin dhacay, markii cidiamada ciidamada amaanka ay baaritaan ku sameeyeen.
Diyaarada ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay, laguna hayo Garoonka Aaden Cadde. Raashinka ayaa la sheegay in loo waday degmada Baardheere ee gobalka Gedo.
Diyaarada ayaa u kireysneyd Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada e WFP. Taliyaha Hogaanka Socdaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dyaaradan ay qabteen baaritaano dheeraad ah lagu sameyn doono, kadibna arrinteeda ay shaacin doonaan.
Waa markii ugu horeysay ee diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay lagu qabto Garoomada Soomaaliya, iyadoo loo heysto inay siday raashin dhacay oo dhaafay waqtigii isticmaalka, tani oo haddii ay sax noqoto fadeexad u soo jiidi doonta WFP.
Goobjooge.com