Diyaarad helikobtar ah oo Ruushku leeyahay ayaa lagu soo riday gobolka ay mucaaradku heystaan ee Idlib iyadoo ay dhinteen dhamaan 5 sarkaal oo diyaaradda la socday.
Diyaaradan oo la soo riday Axadii iyadoo ay la socdeen laba duuliye iyo saddex sarkaal, sida uu shaaciyay Aqalka Kremelin-ka ee looga taliyo Raashiya.
Wasaaradda Difaaca Ruusha ayaa sheegetay in helikobtarka oo nooceedu ahaa Mi-8 oo ah diyaarad xamuul ah la soo riday xilli ay gargaar bani aadamnmo geystay magaalada Xalab ayna ku sii jeeday saldhiga milateriga ee Ruushka.
Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada iyo warbaahinta ayaa muujiyay burbur ku dhacday diyaaradd oo taalla meel lama degaan ah iyo qiiq madow oo ka baxaya burburkeeda markii la soo riday kadib.
https://youtu.be/N291u4GBcdk
Goobjooge.com