Wednesday, June 25, 2025

Diyaarad Turkigu leeyahay oo ku dhacday dalka Kyrgzstan iyo Qasaaraha ka dhashay

Diyaarad nooca xamuulka ah oo laga leeyahay  dalka Turkiga ayaa kuburburtay Garoonka diyaaradaha caasimadda dalka Kyrgzstan ee Bishkek.

Wararkii ugu horeeyay ee shilkaasi ayaa sheegaya inay dhinteen dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda iyo dad deganaa guryo ay ku dul dhacday oo tiradoodu gaartay 32 qof.

Wasaarada caafimaadka ee dalkaasi Kysgztan ayaa sheegtay in duuliyihii diyaaradda iyo lix carruur ah ay ka mid yihiin dadka shilkaasi ku dhintay.

Diyaaraddan oo nooceedu uu yahay Boeng 747 ayaa ka timid dalka Hong Kong, waxa ayna u socotay magaalada Beshkek ee caasimadda dalka Kyrgzstan.

Shilkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay cilimada oo aad u xumeyd iyadoo baraf badan iyo aragtida oo xun ay keentay inay dhacdo diyaaradda oo markaasi isku dayeysay inay ku degto garoonka Bishkek iyadoo ku sii socotay magaalada Istanbul.

Wakaalado

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON