Diyaaradaha dagaalka nooca qumaatiga u kaca ee Helikobtarka ah ayaa howlgallo balaaran ka bilaabay goboladda Bay iyo Bakool sida ay ku waramayaan dadka degaanadaasi oo sheegay in diyaaradahaasi oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ay si joogto ay u dul wareegayaan degaanada ay gacanta ku hayaan Alshabaab.
Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa dhowaan ka dhacday degaano ka tirsan gobolka Gedo iyadoo ay gaabis noqdeen howlgaladii dhinaca dhulka ee ciidamada AMISOM ayaa hadda waxaa sii kordhaya diyaaradaha dagaal ee goboladaasi ka howlgalaya.
Ciidamada AMISOM ayaan sharci ahaan weli loo ogolaan inay adeegsan karaan awood dhinaca cirka ah, laakiin dalalka Itoobiya iyo Kenya oo ka mida AMISOM ayaa iskood u adeegsada ciidamadooda Cirka.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-7″]