Thursday, July 3, 2025

Diyaaradaha Israa’iil oo duqeyn ka fuliyey Marinka Gaza iyo magacyada dadka lagu dilay

Israaa’iil ayaa weerarro cirka ah oo is daba joog ah ku qaaday marinka Gaza ee dhulka Falatiin oo ay ka taliso xukuumadda Xamaas.

Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsatay Goobo ay leeyihiin garabka hubeysan ee Xamaas. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay subaxnimadii hore ee Sabtida duqeeyeen goob hubka lagu sameeyo iyo bakhaar rasaasta lagu kaydiyo.

Labada qof ee weerarka lagu dilay ayaa ka tirsanaa dagaalyahannada Garabka hubeysan ee Xamaas ee loo yaqaan Cizadiin Al-qasam, waxaana la shaaciyay magacyadooda iyagoo kala ahaa: Maxmoud al-Atal oo 28 sano jir ahaa iyo Maxammed Safadi oo 30 sano jir ah

Gantaallada ayaa Israa’iil lagaga soo riday dhanka Qaza mid ka mid ahna wuxuu ku dhacay magaalada koonfurta ku taalla ee Sderot.

Xiisadda ka dhex taagan Falastiiniyiinta iyo Israa’iil ayaa sare u kacay tan iyo markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON