Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay galabta Duqeeyeen degaanka War-xoolo oo ka tirsan Gobolka Galgaduud oo ka mida degaanada saldhiga u ah kooxda Alshabaab ee gobolada dhexe.
Dadka Degaanka ayaa soo sheegay in diyaarado dagaal oo nooca helikobtarrada ah oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ay duqeyn culus ka geysteen degaanaasi iyadoo madaafiicda ay socotay muddo 20 daqiiqo ka badan.
Howlgalka ciidamada cirka Itoobiya ayaa ka dambeeyay dagaal fool-kafool ah oo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya ay la galeen kooxda Alshabaab oo degaankaasi ku xoogan. Wax faahfaahin ah lagama bixin qasaare ka dhacay duqeyntaasi.
Ciidamada Itoobiya ayaa si weyn u kordhiyay dagaalka ay ka wadaan gudaha Soomaaliya iyadoo gobollo kala duwan la geeyay diyaaradaha dagaalka oo u badan kuwa qumaatiga u kaca ee helikobtarrada oo duqeymo is daba joog ah ka wada gobolo dhowr ah.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]