Friday, June 27, 2025

Diyaaradihii Qaadka Kenya ee tegi jiray Soomaaliya oo gebi ahaan istaagay

Qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya ee loo dhoofin jiray Soomaaliya ayaa gebi ahaanha istaagay maanta kadib markii dowladda Soomaaliya ay si KMG ah u joojisay.

Diyaaradihii Qaadka ee dalka Kenya ayaa u soo duulin dalka Soomaaliya sida ay sheegeen Ganacsatada qaadka Kenya oo  caddeeyay in garoomada Jomo Kenyatta iyo Wilsan aanu saaka ka dhoofin wax Qaad ah.

Dowladdaa Soomaaliya ayaan sheegin sababta loo joojiyay Qaadka, waxayna ku macneysay arrimo amni, waxayna arrintan dhibaato dhaqaale ku tahay Kenya iyo ganacsatadeeda Qaadka oo horeba u waayay suuqii Ingiriiska oo laga mamnuucay Qaadka.

Waxaa Soomaaliya imaan jiray maalin waliba 16 diyaaradood oo Qaad ka keena dalka Kenya, iyadoo ay Soomaliya tahay suuqa ugu weyn ee Qaadka loo dhoofiyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON