Guddoomiyihii uu dhowaan Gobolka Gedo u magacaabay ayaa dib looga celiyay maanta Garoonka magaalada Garbahaarey, kadib markii maamulka magaalada ay diideen inay caga dhigato Garoonka.
Diyaaradda oo ka duushay caasimadda Muqdisho ayaa isku dayday inay dhowr jeer ku degto Garoonja, balse waxaa ka hir yimid ciidamo hubeysan iyo dadweyne u diiday inay degto, waxayna markii dambe dib ugu laabatay Muqdisho.
Gudoomiye Ku-xigeenka amniga ee degmada Garbahaarey Aadan Siraad Maxamuud ayaa sheegay in ka hortageen imaanshaha xubnaha uu magacaabay Axmed Madoobe, isagoo caddeeyay inaysan oggolaan doonin in Diyaaradaasi lagu keeno xubnaha Axmed Madoobe soo magacaabay.
Wuxuu u digay diyaaradda Garbahaarey u soo qaadeysa xubnahaasi, inay haddii mar kale soo laabato aan dan laga lahayn, sida uu yiri, wuxuuna intaas ku daray inaysan aqoonsaneyn Axmed Madoobe oo uu sheegay inay 2 bil u hartay, ayna ka War sugayaan Madaxweyne Xasan Sheekh inuu yimaado Garbahaarey.
Dhinaca kale Gudoomiye kuxigeenka cusub ee amniga iyo siyaasadda gobolka Gedo oo ka mida maamulka cusub Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) in sababo farsamo ay diyaaradu dib ugu laabatay magaalada Muqdisho.
Dowladda Federaalka ayaa taageersan maamulka cusub ee Axmed Madoobe u magacaabay Gobolka Gedo, balse waxaa ka horjeeda dadweynaya iyo maamulka hadda ka taliya Gobolka Gedo.